opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Xog: Shariif Xasan oo xildhibaano iyo siyaasiyiin ka mamnuucay in ay…

Warar hoose oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka uu soo rogay amar magaalada Baydhabo looga mamnuucayo Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhowr ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in amarka Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu yahay mid Garoomada maamulka looga mamnuucay inay ka degaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Amarka Hogaamiyaha oo fulintiisa u dhexeeya Madaxtooyada iyo maamulada Garoomada ayaa waxaa sidoo kale, lagu mamnuucay in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka oo hadda ku sugan deegaanada maamulka ay ka dhoofan Garoomada.

Xildhibaano ka tirsan maamulka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaa oo liiskooda la dhigay Garoomada maamulka, isla markaana ay ku adag tahay dib ugu laabashada magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, liiska la dhigay Garoomada maamulka ayaa waxaa ku jira Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka oo ku sugan magaalada Baydhabo kuwaa oo iyaguna doonaaya inay u safraan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay awoodi la’ yihiin inay ku laabtan magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili tiro Xildhibaano ah ay Hogaamiyaha maamulka ugu baaqen inuu xilka iska casilo Shariif Xasan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *