opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo qalinka ku duugay in xiriirka loo jaro Dalka Qadar….

Warar si hoose ay wakaaladda Wararka Garoowe NetWorks uga heshay Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu aqbalay in xiriirka loo jaro dowladda Qadar, lana taageero xulufada Sacuudiga.

Xogta ayaa sheegeysa in maalmo badan oo ay muqdisho ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka socotay Imaaraadka iyo Sacuudiga ay ugu dambeyn ku guuleysteen in arrintaasi ay dowladda qaadato, kana laabato go’aankii dhex dhexaadnimada.

Sidoo kale dowladahan ayaa uga faa’ideysta arrin qalqal ku beertay Farmaajo oo dalka ay ka waddo dowladda Qadar.

Madaxweynaha ayaa ogaaday in rag badan oo siyaasaddiisa halis ku ah ay taageereyso dowladda Qadar, waxaana markii uu ka dalbaday iney arrintaasi joojiyaan u sheegeen ineysan sameyn karin.

Hadaba waxaa lagu wadaa in wafdi ka socda dowladda laga yaabo inuu raaco Farmaajo ay tagaan Sacuudiga, kuna dhowaaqaan go’aanka ah in xiriirka Soomaaliya u jartay Qadar.

Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka ahayd khilaafka Khaliijka Carabta, kadib markii hoggaanka dalka u arkeyn in khilaafkaasi haddii ay ku dhex milmaan uu saameyn karo.

Laga yaabo in isbedal kale yimaadaan oo madaxweynaha Ka leexdo aqbalista go’aannadaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *