opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

XOG: Farmaajo oo Qorshe weyn u dagay maamul Goboleedyada Isagoo kala Diray….

Warsidaha Garoowe Network ayaa ogaaday in wafdi ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay booqasho rasmi ah ku tagi doonaan dawlad gobaleedyada Jubbaland, Galmudug oo hadda qasan, Koonfur Galbeed oo halis ku jirta & Puntland, waxayna ka dhoofayaan magaalada Muqdisho.

Shir gaar ah oo ay xalay yeesheen Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka ayaa lays ku raacay in xubnahan ay noqdaan kuwa siyaasad ahaan aysan ka didsaneyn Madaxda dawlad gobaleedyada qaarkood.

Madaxda dawlad gobaleedyada oo dhan waxaa la gaarsiin doonaa casumaada shirka Hogaamiyaasha Madasha oo ka furmaya magaalada Muqdisho.

Dadaal xoog leh ayay dawladda Soomaaliya hadda galinaysaa in uusan qabsoomin shirka Kismaayo, sidaas oo kale aysan jirin isku tag iyo go’aan ay ku mideysan yihiin dhinacyadaas oo waqtigan banaanka u soo baxa.

Kasokow wafdiyadan waxaa kaloo jira wada hadalo dhinaca telfoonka ah oo dhexmaray Madaxda dawlad gobaleedyada iyo Madaxda ugu sareysa dawladda Soomaaliya, waxaana aad lays kugu fahmi waayay wada xaajoodyadan qaarkood.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *