XOG: Dowlada Farmaajo oo loo baqayo iyo Dalka oo kusii socda Xaalad Halis badan…

(Garoowe.net)

La Wadaag Asxaabta

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo markii uu ololeynayey sheegayey inuu keeni doono xasilooni siyaasadeed ayaa hadda waxaa isbedal wax walbo oo doorashada kusoo galay madaxweynaha.

Dowladda hadda jirta dalka waxay gelisay fowdo, siyaasad xumo, is qabqabsi, amniga oo aan waxbo iska bedalin iyo arrimo kale.

Siyaasiyiin ayaa sheegay in haddii dowladan ay dalka sidan kusii waddo 6-da bil ee soo socota in xaaladda meel xun tagi doonto, islamarkaana wax badan ay isbedali doonaan.

Waxyaabaha yaabka leh ayaa ah in amniga dalka uu xumaaday, qaraxyo iyo dilal ay dhacaan, sidoo kale ciidamada aanay haysan mushaar, shaqaalihii rayidkana sidoo kale, waxaa intaasi kasii daran in dowladdan ay la dagaalsan tahay maamul goboleedyadii.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.