opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

XOG DEG DEG AH: P/Land, J/Land, Galmudug & K/Galbeed oo u heshiiyay Farmaajo & Xildhibaanada labada aqal oo…

Shabkada Garoowe Network ayaa ogaatay in dagaal Maldahan uu ka dhex qarxay Maamul Gobolleedyada iyo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.

Waxa Dagaalkaan uu ka dambeeyey kadib Carqalad la geliyey Qabsoomida Shirkii Kismaayo Lagu Ballamay Ee Gogosha uu Fidiyey Axmed Madoobe.

R/wasaare Xasan Kheyre ayaa u arka mid Shar uga imaan karta Maamul gobolleedyada ku ballamay inay Kismaayo iskugu tagaan kana baqday in Dawlada Dhexe loo Heshiiyo sidii loo hagar daameyn lahaa.

Madaxda Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira ayaa hadda bilaabay inay uyeertaan Xildhibaanada laga soo doorto Deegaanadooda Ee ku jira Labada Aqal Ee Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Waxa Xildhibaanada maalmaha soo socda aadi doonaan deegaanadii laga soo doortay si ay ula kulmaan Hogaanka Maamulada deegaanadaasi dabina loogu dhigo Dawlada Dhexe.

Si gaar ah waxaa loogu heshiinayaa Farmaajo iyo Kheyre oo ku shaqeenaya Mabaa’di aan aheyn Maskaxdooda sidaa awgeedna loo baahan yahay in laga fiirsado Shirqoolada Socda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *