opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

XOG CUSUB: Sheeko Xasaasi ah oo Qadka Telfoonka ku dhex martay R.W. Kheyre & Madaxweyne Xaaf

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa wakaalada garoowe.net u sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu qadka Telfoonka kula hadlay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Labadan masuul ayaa ka wada hadlay xiisada ka taagan deegaanada Galmudug iyo sida loo dajin karo, waxaana Ra’iisul wasaaraha uu u sheegay Madaxweyne Xaaf inay aad u taageersan yihiin xasilooni siyaasadeed oo ka dhalata Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo inay qeyb ka yihiin holaca siyaasadeed ee ka jira Cadaado, wuxuuna ugu hanjabay in lagu wada guban doono.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Guddi ka socda dowlada Federaalka loo diri doono Cadaado si ay u kala dhex galaan Siyaasadaha is diidan, balse Xaaf ayaa ka soo horjeestay wuxuuna sheegay in garoonka diyaaradaha Cadaado laga celin doono hadii wafdigaas xamar laga soo diro.

Si kastaba ha ahaatee Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa cirka isku sii shareereysa, waxaana si weyn loogu eedeynayaa inay hurineyso dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *