opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

XOG AKHRISO: Khilaafka u Dhaxeeya Gaas iyo Camay ee sii xoogaystay markii Madaxweyne Gaas uu burburiyey go’aankii Camey

Madaxda maamulka Puntalnd ayaa u muuqda in uu gaaray viruska siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya,waxaana hadda soo baxaya in labada Mas’uul ee ugu sarreysa maamulka Puntland ay ku kala aragti duwanyihiin shirka Kismaayo ee dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in Shirka Kismaayo uu yahay mid aan u adeegeyn danaha Soomaaliya,waxaana uu intaas ku daray in Puntland aysan ka qeyb galeyn shirka uu Axmed Madoobe uga dhawaaqay Kismaayo.

Khamiistii Golaha Wasiirrada ee Puntland oo uu shir guddoominayay C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa waxaa ay isku raaceen in ay ka qeyb galaan shirka Kismaayo ee dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Arrintaas waxaa xigtay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu dib u magaacaabay Taliyaha Booliska Puntland oo uu bishii hore shaqada ka eryay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey.

Siyaasiyiinta Puntland ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in ay Xildhibaanno Federaalka ah ay u dirtay Puntland islamarkaana ay sababayaan khilaafka ka dhex taagan Madaxda Maamulka Puntland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *