opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

War deg deg ah oo Hada naga soo gaaray Shirkii Kismaayo Kafurmay iyo warar sheegay in shirkii

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo xalay ka furmay Guriga Martida ee Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirkan furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.

Dhammaan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa xalay shirkan wajigiisa koowaad ka jeediyay khudbado, ay uga hadlayaan xalada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isugu baheysanayaan Dowladda Federaalka, islamarkaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada iyo dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay u hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka go’naato mowqif ay ku mideysan yihiin inay shirkan ka soo saaraan.

C/wali Gaas oo Puntland ah ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada, waxaana uu tilmaamay in ujeedku aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala dambeyn la’aan.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, islamarkaana laga shaqeeyo midnimada.

Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka furmay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee Kismayo lagu rakayaa Ciidamo dheeeraad ah oo hubeysan.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo magaalada Kismaayo, lagana soo saaro War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin Madaxda ka qeyb galeysa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *