opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

War deg deg ah Abu Mansuur Oo Xaalku ku xun yahay, DFS oo qorshe csub u dagtay & waa cusub oo ku baryay…

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha Al Shabaab kuwooda ugu magaca weynaa ayaa waxa la sheegayaa inuu hadda wajahayo Culeys kasoo gaartay Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.

Abu Mansuur oo Bishii September Diyaarad ka keentay Xudur Gacanta Dawladana Soo Galay ayaa shaaca ka dhigay inuu Shabaab Afar Sano iyo Bilo ka iskaga tegay.

Rooboow Cali Ayaa waxa uu sheegay in uu diyaar uyahay wadahadalka usocda Dawlada dhexe inay noqoto mid natiijo fiican kasoo baxda.

Shabakada Baahin ayaa waxay heshay xog ah in Ciidan Nabad Sugid Gaar ah la daba dhigay Abu Mansuur kuwaasi oo la soconaya dhaq dhaqaaqooda gaarka ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in xil culus ay umagacaabi doonto Abu Mansuur walaw aan la ogeyn waxa uu noqonayo jagadaas laakiin dhinaca Meliteriga ayaa la aaminsan yahay inay tahay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *