opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Somaliland oo si caro leh uga Jawaabtay Go’aankii Madaxweyne Farmaajo ku Saxiixay in Dalka……

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Maamulka Somaliland Mustafe Faarax Abraar ayaa sheegay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo dhowaan uu saxiixay uusan quseyn dowladooda.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa tilmaamay in xeerka uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, uuna jiro shaircigooda u gaarka ah. “Xeerar caalami ah baa jiro oo lagu maamulo. Waxaa la ogyahay Soomaaliya (dowladda) gacanta wadanka kuma wada hayso, Marka anaga nagama xiri karaan, Maalin dhowna waxaan sameyndoonnaa wax noo gaar ah oo anagu leenahay.” Ayuu yiri

Wuxu wasiir Mustafe sheegay in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xarumaha ku leh Muqdisho iyo Hargeysa. “Wax dhibaato ah kama soo gaareyso. Waan la socodsiinay madaxdooda”, ayuu yiri wasiirka.

“Xagga isgaarsiinta, waxaan ka wadahadalnay iyo wax inaga dhexeeyo ma jiraan. Waxaan markale ku celinayaa, xeerka madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay, Nama quseeyo,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hasse ahaatee baarlamaanka 10-aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigan, Wuxuuna Saamayn toos ah ku leeyahay Dhamaan Shirkadaha isgaadhsiinta dalka, Waxaana Xusid mudan inay dhamaan o Isticmaalan Furaha Soomaaliya ee 252.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Somaliland oo si caro leh uga Jawaabtay Go’aankii Madaxweyne Farmaajo ku Saxiixay in Dalka……”

  1. mohamud qudka says:

    waxan u arkaa wasiir mustafe in uu ku hadlay hadal aan alle ka aqbalayn somaaliyana waa mid qura madaxweyneheeduna waa mid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *