opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Somaliland oo eedeyn u jeedisay Madaxweynaha Galmudug & Sirta ka dambaysa Safarkii Hargeysa….

Maamulka Soomali-land ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) lagu xayiray todobaadkaan garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas.

Cumar C/llaahi Aadan oo ah Agaasimaha guud ee wasarada Dulista Hawada Maamulka Somaliland ayaa sheegay in waxba ka jiraan ay tahay eeda Madaxweynaha maamulka Galmudug, islamarkaana markii hore diyaarad sharci aan aheyn uu ku tagay Hargeysa ayna si wanaagsan usoo dhaweeyeen.

“Waxaan rabaa inaan saxaafada u cadeeyo hadal ka soo yeeray nin yiri waxaan ahay madaxweynaha Galmudug ee sheegay in lagu xayiray garoonka Hargeysa isagoo arintaasna ku eedeeyey dowlada federaalka Somalia iney ka dambeyso, arintaas waa been aan sal iyo raad toona laheyn, dowlada Somalia kama taliso Somaliand, labo dowladood oo 27 sano kala maqan baynu nahay” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliland.

Maamulka Somali-land arimaha keenay xayiraadda Madaxwayne Xaaf waxay ku tilmaameen mid ay ka dambaysay Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya,islamarkaana Somali-land ay gacmo furan kusoo dhaweysay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Todobaadkaan Gudihiisa ayay aheyd markii diyaarad ka keentay Madaxweyne Xaaf dalka imaaraadka Carabta lagu xayiray magaaladda Hargeysa, islamarkaana Muddo 5-saac kadib ay caga dhigatay magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *