QARSOODI: Maamul goboleedyada oo weerar culus kusoo ah dowladda Farmaajo iyo awoodo gadaal ka riixaya…

(Garoowe.net)

La Wadaag Asxaabta

Maamul goboleedyada dalka ayaa hadda waxay doonayaan iney gabi ahaanba meesha ka saaraan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana ay rabaan in la helo dowlad ay iyaga maamulan karaan.

Xog ay heshay wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegeysa in hadda is faham arrintaasi ku saabsan uu dhexmaray maamullada Puntland K/galbeed iyo sidoo kale Galmudug, kuwa harayna waxaa u socda wadahadal.

Weerarka ugu horreeya ayaa imaan doona sida qorshaha yahay dhowaan, gaar ahaan waxa uu maamul walbo u yeeri doonaa xildhibaankiisa, waxaana ay doonayaan iney kala hadlaan sidii dowladdan meesha looga saari lahaa.

Xogta waxay sidoo kale sheegeysaa in laga yaabo dowlad goboleedyadan ineysan ridin Farmaajo, balse ay xukuumadda meel saaraan maadaama weerarka ugu xooggan dhankeeda uu ka imaanayey.

Lama oga sidey wax noqon doonaan, hase ahaatee waxay tani u muuqataa iney is difaaacayaan maamul goboleedyada dalka ka jira oo markaan godkooda loogu soo galay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.