opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

MD Farmaajo oo ogaaday in Dadka reer Galmudug ay yihiin dadkii kadambeeyay in Dowlada Dhexe ee soomaaliya ay…

Xildhibaan Axmed Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay xiisada ka dhex aloosan dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dhaqaalaha Qaranka u adeegsaneyso burburinta maamulka Galmudug, balse ay iminka sameeyen dadaal looga hortagaayo arrimahaasi.

Waxa uu Xildhibaan Fiqi sheegay in ujeedkooda uu yahay in xal laga gaaro xiisada dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug, iminkana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan talaabooyin lid ku ahaa xasiloonida Galmudug.

Waxa uu Fiqi tilmaamay in Madaxweynaha iyo Wasiirada qaar ay kala hadleen xiisada Galmudug iyo inaan dhaqaalaha dowlada loo adeegsan burburinta maamulka curdunka ah, waxa uuna cadeeyay inay ku kala tageen isku soo laabasho iyo wada tashi nasiib daro aawgeed aan dib loogu soo celin wax war ah.

Waxa uu Fiqi cadeeyay inay u muuqato in Farmaajo uu ku faraxsan yahay waxa ka socda Galmudug maadaama uusan weli kusoo celin wax war ah, sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay cadeymaha muujin kara in dowlada Somalia ay ka shaqeyneyso xiisada ka taagan Galmudug ayaa waxa uu kusoo koobay 3 cadeyn oo kala ah:

1-Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo abaabulaaya musharaxiin u tartameysa xilka oo dhaqaale ku bixineysa dhicitaanka maamulka.

2-Wasaarada arrimaha dibadda Somalia oo muddo kooban gudaheeda soo saartay warqad lagu taageerayo xil ka qaadis la sheegay in dhowr Xildhibaan ay ku sameeyen Xaaf, xili ay ku shirsanaayen goob Hoteel ah.

3-Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha oo aan weli faragalin ku sameyn khilaafka ka taagan Galmudug oo ay kasoo jeedan deegaan ahaan.

Fiqi waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia ay xiisada Galmudug ku bixisay lacag dhan 1 Milyan oo dollarka Mareykanka ah xili dhawaan la doortay Xaaf.

Fiqi waxa uu sheegay in xiisada ay kasoo bilaabatay maamulka HirShabelle, waxaana xigay Galmudug oo la doonaayo in la mariyo halka ay martay HirShabelle.

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in Galmudug ay burburto ayaa waxa uu sheegay inaanu taa dhici doonin inta ay nolol ku joogan dalka.

”Galmudug wey iska celin doontaa Villa Somalia mana u dulqaadan doonto dulmi”

Fiqi waxa uu intaa ku daray ”Farmaajo ha ogaado dadka Galmudug waa kuwii dumiyay dowladii dhexe markii leysku adeegsaday dabaabadaha”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *