opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Maxamed Ameeriko oo Muqdisho looga Yeeray & Farmaajo oo u Diyaariyey Xil culus

Danjirihii Hore Ee Soomaaliya ufadhiyey Waddanka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa waxa uu kusugan yahay Waddanka Canada.

Waxaa la sheegay In Farmaajo Uu uyeeray Ameeriko islamarkaana uu la doonayo in Xil ka qabto Xukuumada Cusub Ee Isku shaandheynta lagu sameyn rabo.

Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxa uu ka hadlay sida xogta lagu helay iyo waxa uu ka aamisan yahay hadii uu qabto waxa uu kusoo kordhin karo.

Danjire Ameeriko ayaa la sheegayaa in uu noqday mid taageero badan ka helay Shacabka Soomaaliyeed Waddanimadiisa markii uu albaabada Qalbigiisa ufuray Soomaalida kusugneyd Dalka Kenya.

Farmaajo ayaa u arka mid fulin kara Baahida Dadka uu ku qancin karo Shacabka Hadii Xil loo magacaabo,isagoo Ka mid ahaa Maxmaed Cali Nuur Ameeriko Murashaxiintii Sanadkaan utartamay Madaxtinimada Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *