opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah Dalka uga Dhoofaya & Isagoo ku sii jeeda Dal uusan horay u booqan…..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa inuu u Safro Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxweynaha Suudaan Gen Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf Xasan iyo Xubno kale.

Maalmo ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Safar ku tagay Boqortooyada Sacuudiga,waxaana Safarkaas uu ahaa kii Saddexaad ee Sacuudiga uu ku tago tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *