opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Haweeynay Soomaali ah oo markii ugu horaysay Xubin sare ka qabatay Qaramada Midoobay (Magaca+Qabiilka)

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed loo magacaabay mid ka mid ah La-taliyayaasha Guddoomiyaha Golaha Guud ee QM, Miroslav Laj?ák.Amina Mohamed oo asal ahaan Somali ah ayaa la sheegay inay iyada iyo 14-La Taliyayaal kale kala talin doonaan Guddoomiyaha Golaha Guud ee QM sida ugu wanaagsan ee uu u horumarin karo muhiimadda hawlaha hor yaalla, oo ay ka mid yihiin Dib-habaynta QM, Dhexdhexaadinta, Ka-hortagga Colaadaha , Hawlaha Nabadda, Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in Kooxda La-taliyayaasha cusub ee la magacaabay Kulankooda ugu horreeya bishan October 6-da ku yeelan doonaan Xarunta Dhexe ee ku taalla magaalladda New York.

Qabiilkeedu waa Soomaali wax kale ha raadin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *