opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Diyaarad Masuuliyiin la socdeen oo matoorku gubtay iyadoo hawada Maraysa & Xaalada Garoonka oo ah……

Shirkadda duulimaadyada ee Air France ayaa xaqiijisay in ay cilad ku timid mid ka mid ah diyaaradaheeda xilli ay ku jirtay hawadda.

Waxa ay ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Fransiiska, kuna sii jeeday gobolka Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa ku qasbanaatay inay ka weecato halkii ay ku socotay, oo ay si dhaqso ah ugu degto garoon ku yaala dalka Canada, kaddib markii ay cillad ku timid mid kamid ah matoorrada diyaarada.

Mid kamid ah afarta matoor ee ku rakibnaa diyaarada lambarkeedu yahay A380 ayaa qeyb ahaan burburay xili diyaaradu ay dulmareysay badda Atlantic.

Ilaa iyoo hadda majirta cid wax ku noqotay shilkaani, waxaana diyaaradaasi saarnaa dad gaaraya shan boqol oo qof oo ay ku jireen masuuliyiin ka tirsan shirkado ganacsi oo safarkaas ka mid ahaa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *