opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

DEG DEG: War hada soo dhacay iyo Nolasha Roobow oo Halis ku jirta & Ciidamadii…….

Waxaa soo baxaya walwal badan oo ku aadan nolosha Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kadib markii warar badan laga baahiyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Ilo sirdoon ah ayaa sheegay in Robow tagey Baydhabo waliba si qarsoodi ah, warar kale ayaa jira iyana sheegaya in weli aanu halkaasi tagin.

Mas’uuliyiin kamid ah K/galbeed, waliba dhanka warfaafinta qaabilsan ayaa warbaahinta u sheegay in Mukhtaar tagay Baydhabo.

Balse warqaad oo hadalladaasi is burinaya shaki badan ka qaadday ayaa wariyeyaal ka tirsan waxay tageen madaxtooyada K/galbeed si xaqiiqda loo soo ogaado.

Waxaa la ogaaday in Roobow aanu ku sugneyn Baydhabo, balse faafinta wararkaasi beenta ah ay iska kaashadeen Sirdoonka iyo sidoo kale maamulka K/galbeed.

Baaritaan kale oo aan sameennay waxaan ku ogaannay in nolosha Mukhtaar Roobow hadda halis badan ku jirto, lana doonayo in la qaarajiyo.

Al-shabaab ayaa gudaha Baydhabo waxay soo geliyeen dagaalyahanno badan, waliba kuwo is qarxin ku badan, sidoo kale Xudur kuwo sidaas oo kale ah ayeey geeyeen.

Waxaa hadda laga baqayaa in weerar uu dhaco, Mukhtaarna laga taqluso, iyadoo waliba sirdoonka Itoobiya doonayaan in wadaadka ay dunidaan ka musaafuriyaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaa xitaa macquul noqon karta in Roobow aanba loo ogolaan inuu ka tago magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *