DEG DEG: Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay Bartamaha magaalada Gaalkacyo & Ragii Dilay oo Gudaha u galay…..

(Garoowe.net)

La Wadaag Asxaabta

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Xaafadda garsoor mid kamid ah raga sidda weyn ugu ole-oleynayey nabad iyo daganaansho ka hana qaada magaaladaas.

Dabley hubeysan ayaa toogatay Nabadoonkan oo kusugnaa Hotel Kulmiye oo kuyala Agagaarka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Ummadda magaalada Gaalkacyo.

Ragga dilka geystay ayaa kasoo talaabay dhinaca xaafadda Wadajir (Baraxley) ayna dib ugu laabteen, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo aagaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu sheegay magaciisa Caseeyo Ciiro oo kamid ahaa raggii ugu dambeeyey ee dadaalka dheer ugu jiray sidii nabad uga hirgali lahayd magaalada Gaalkacyo, isla markaasna kulamadii ugu dambeeyey aad gacan uga geystay in ay qabsoomaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.