opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

DEG DEG: Madaxweynaha oo u diiday safar inuu galo Madaxweyne ku xigeenka & Khilaafka oo sii xoogays maamulka….

Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxtooyada maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu is hortaag ku sameeyay Safar uu ku-xigeenkiisa ku gaari lahaa magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle, ayaa is hortaaga Safarka ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey u adeegsaday Saraakiil ka howlgasha Garoonka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Garoonka ayaa Maxamed Xaashi Carabeey u diiday inuu ka dhoofo magaalada Cadaado xili uu kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha.

Saraakiisha ayaa ciidamada ku amray inaan lasii deynkarin Hogaamiye ku-xigeenka maamulka, iyadoo baajinta Safarkiisa aan la ogeyn sababta ka danbeysay.

Ishor istaagaan lagu sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ku soo aadaya xili uu jiro khilaaf kala dhexeeya Hogaamiyaha maamulka Xaaf.

Khilaafka sababay in loo baajiyo Safarka Carabeeye ee magaalada Muqdisho, ayaa ah mid salka ku haya arrimaha Khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf ayaa asbuucii tagay sheegay in maamulkiisa uu taageersan yahay Xulafada Sacuudiga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *