opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

DEG DEG: Kooxda Daacisha Puntland oo war soo saaray & Weerar ka Dhacay gudaha magaalada Bosaso oo lagu dilay……

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada Puntland ayaa sheegatay inay ka dambeyso weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu dilay hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhigga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska far irdood ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan, Goobjoogayaal ay sheegay in ay baxsadeen nimankii weerarka geystay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *