opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

DEG DEG: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Fariin uu ka naxay Madaxweyne Gaas u Diray & Mooshin iyo Xaalada Garoowe oo kacsan.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa madaxweyne Gaas ugudbiyay farriin cad oo ka timd xildhibaanada Puntland oo wacad ku maray inay mosohin ka keenayaan haddii madaxweyne Gaas uu ka qeyb qaato shirarka lagu colaadiyo dowladda federalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa guddoomiye Axned Cali Xaashi u sheegay haddii madaxweyne Gaas uu aado shirka Kismaayo inay xildhibaano qaadidoonaan tilaabo culus, waxaana guddoomiyuhu madaxweynaha u sheegay inay xildhibaanadu aad u kacsan yihiin,wax kastana ay dhici karaan.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah xildhibaanada Puntland oo xidhiidh wanaagsan laleh dowladda federalka ay wadaan qorshe ay cadaasi ku saarayaan xukuumada Gaas. Waxaa kale oo jira in dowladda federalku dhaqaale ku siin karto xildhubaanada sidii meesha Gaas looga saari lahaa.

Dowladda federalka ayaa ogaatay meesha kaliya ee loogala dagaalami karo maamul goboleedyada inay tahay dhinaca xildhibaanadooda barlamaanka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *