HOME

WARARKA

SOMALI NEWS

PUNTLAND NEWS

CONTACT US

WARAR KALE

somali links

somali links

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

DEG DEG: Dagaal Qarka u saaran Itoobiya iyo Somaliland ka dib markii hanjabaad hawada la isku mariyey

Somaliland ayaa beenisay war ka soo baxay dowladda Ethiopia oo ku eedaysay in ay baro-kicisay dad gaaraya saddex kun oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada,kadib rabshadihii dhexmaray Soomaalida iyo Oromada gudaha Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey wargees ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa”wax kama jiraan” ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray wasiirka Warfaafinta Ethiopia Ngeri Lencho ee ahaa in Somaliland ay xoog ku bara-kicisay dad ka soo jeeda qowmiyadda Oromiya ee dalka Etjiopia.

Wasiirka ayaa u sheegay Warbaahinta “in ku dhowaad 10 kun ruux ay Somaliland diiwaan-gelisay”,kuwaasoo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia,islamarkaana ay si nabad ah ku joogaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland,balse wuxuu”nasiib-darro” ku tilmamaay hadalka Wasiirka warfaafinta Ethiopia. Wuxuu sheegay in dadka la celiyey ay akhtiyaarkooda ku laabteen,kadib markii rabshado ka dhex bilowdeen Soomaalida iyo Oromada gudaha Ethiopia.,iyagoo Booliiska Somaliland ka dalbaday in la celiyo,dabadeedna gawaari xadka lagu geeyey.

Wuxuu tilmaamay in markii ay bilwodeen rabashadihii magaalada Hawadeey, ay bulshada Somaliland oo Culimada,Waxgaradka iyo Aqoonyahannadu ugu horreeyan”ay ka digeen in dhibaato loo geysto”dadka Oromada ah ee ku sugan Somaliland.

Colaaddii Soomaalida iyo Oromada ku dhexmartay magaalada hawadeey ee dalka Ethiopia ayaa saamayn xun ku yeelatay bulshada labada dhinac,waxaana hakad galay qaadkii iyo khudaartii ka imaan jirtay dhinaca Ethiopia,taasoo sababtay sare u kac ku yimaada qiima Khudaarta magaalooyin kamid ah Soomaalia,halka qaadkii Hareeriga gebi ahaanba la wayey.

Ganacsatada qaadka ee gobolka Oromada ayaa la sheegaya in ay khasaare badan la kulmeen,kadib markii ay suuq u waayeen qaadka Hareeriga ee loo iib-geyn jiray Soomaaliya.

Garoowe Network
garoowe8@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “DEG DEG: Dagaal Qarka u saaran Itoobiya iyo Somaliland ka dib markii hanjabaad hawada la isku mariyey”

  1. Mohamed Ibrahim Fiqi says:

    waxaaba fcnanlahayd iyada oo Ethiopia Cadaysato Colaada ay Somalida u hayso Si ay Soomalidu Ubaraarugaan

Leave a Reply to Mohamed Ibrahim Fiqi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *