DEG DEG: Dagaal culus ka dib & Tuulooyin Dhowr ah oo ay la wareegeen Ciidamada maamulka…..

(Garoowe.net)

La Wadaag Asxaabta

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee mamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanka Goof-gaduud Buuray ee gobolka Baay ayaa waxa ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen tuulooyin badan oo hoostaga degaankaasi.

Tuulooyinka howlgalka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugnaa Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab, balse Ciidamada inta aysan halkaasi gaarin Shabaab ayaa isaga baxay Tuulooyinkaasi, sida uu Risaala u sheegay Siidow Cali Guddoomiyaha degaanka Goof-gaduud Buuray.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Tuulooyinka ay ka baxeen Shabaab in hada ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee mamulka Koonfur Galbeed.

Siidow Cali Guddoomiyaha degaanka Goof-gaduud Buuray ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab, si looga saaro Tuulooyinka kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.