opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

DAAWO: Xildhibaan Fiqi oo sir culus qarxiyay, khilaafka Galmudug dhulkana ku jiiday Madaxweyne Farmaajo…

Xildhibaan Axmed Macalin oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee Cadaado u tagay inay dhex dhexaadiyaan Madaxda is khilaafsan ee maamilkaas ayaa shacaa ka qaaday inay arrintaan ka hadleyn Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fiqi ayaa sheegay inuu madaxweynaha u sheegay inuu arrintaan kala soo tashanayo dad ay wax kala dhaxeeyaan sida uu hadalka u dhigay Fiqi.

” Madaxweynaha waan kala hadalnay arrintan Galmudug, wuxuu nagu yiri dad bay wax igala dhaxeeyaan waan kala soo tashanayaa ”

” Dowladda waajibkeeda ku aadanaa Galmudug way gudan weysay, waxaana muuqato inay yihiin dad aan qaadi karin Mas’uuliyadda iyo qaranimada Soomaaliya” ayuu mar kale yiri.

” Ciidamadoo 21-aad iyo taliyayaasha nabadusugidda ayey dowladda dhexe ku amartay inay ilaaliyaan masharaxa khaska ka wado Cadaado” ayuu sii raciyey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *