opinion

somali links

somali links

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Caluul ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ay duqayn ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Gardafuu.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo xeebta Caluula,  waxaana la rumaysan yahay inay halkaasi ku tuhunsan yihiin Daacishtii laga saaray degmada xeebeedda Qandala.

LOSOCO WIXII SOO KORDHA

Cabdi Qaybdii oo Eedeyn hawada u mariyey Axmed Xaaf & Hadal aan laga filayn oo uu ku dhawaaqay

Madaxweynahii hore Ee maamulka Galmudug Cabdi Qaybdiid Ayaa Ka Hadlay Khilaafka Ka taagan maamulka Galmudug,Kadib markii Uu la Kulmay Madaxda galmudug Ee isku Khilaaf san Siyaasada Maamulka galmudug.

Cabdi qaybdiid Ayaa Sheegay In Dhibaatada Haysata Galmudug oo maalin kasta Xilka Looga Tuurayo madaxda Maamulka Galmudug Inay tahay Dadka Deegaanka U Dhashay oo xil iska saarin inay Maamulkooda la Xisaab tamaan..

Dhanka kale waxa Uu Eedeyey Madaxda Galmudug Oo ka Mid yahiin madaxweynaha Galmudug Xaaf Iyo Madaxweyne Kuxigeenka maamulkaasi Oo Sheeganaya Inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga Ee maamulkaasi Galmudug.

“Waxaan la Kulanay labada Dhianac Anagoo gacanta Isku saarna Layskuna Duceeyey,waxaanu sidoo kale samaynay Qorshaha Roadmapka Oo Siyaasada Maamulkaasi Ah,Aroorti Markaanu Soo kacnay waxa uU madaxweyne Kuxigeenkii Yiri “Ma Ogidin Miyaa Inaan Ahay madaxweynaha”Ayuu Yiri cabdi Qaybdiid.

waxa Uu Sheegay Inaysan dowlada faderalka Aysan wax gacan ku lahayn Dhibaada galmudug lakiin dadku jecel yahiin qaladkooda Inay Cid kale dusha Ka saaraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *