Beesha Jareer-Weyn oo sheegay in Farmaajo godob weyn ka galay ka dib markii uu amray…..

(Garoowe.net)

La Wadaag Asxaabta

Kiiska weerarkii ka dhacay Degmada Xamar weyne Arbacadii hore waxaa lasoo sheegayaa in in qaab kale loo wajahay.

Dilka Wiilkii ay dhashay Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo ayaa sii kordhiyey Xaalada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in kiiska si weyn Baaritaan loogu sameeyo si loo helo gacan ku dhiiglayaasha.

Waxay taasi marag ma doonto utahay sida la iskaga indho saabay dhibaatada Laga geysanayo qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Gobollada Dalka iyo Dhiiga Shakhsiyaadka Mareexaanka sida looga damqanayo.

Maxamed Jaamac Xeri oo ah ninka la dilay Ee gaariga ku waday Canab C/llaahi Xaashi ayaa waxa uu salfaday in la xiro Saraakiil iyadoo Mas’uuliyiin Xilka laga qaaday.

Hadda Beesha Jareer weyne ayaa godob in laga galayo u arka Xariga loo geystay Dable Muriidi oo ah Nin lagu Tuhmay Dilkaasi Canab iyo Maxamed inuu ka dambeeyey.

Jareer weyne oo ah dadka Lagu faquuqo Soomaaliya ayaa waxay yihiin dadka ugu badan marka loo Eego Soomaaliya meelaha deggaan iyo sida loo dulmiyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.